Chelsea Oo Damacsan Inay Arsenal Ka Afduubato Zubimendi, Balse Arteta Ayaa Go’aan Culus Soo Saaray

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal, Martin Zubimendi, ayaa lagu soo warramayaa inuu ka fiirsanayo suurtagalnimada uu ugu wareegi karo kooxda ay xifaaltamaan ee Chelsea suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo, iyadoo maamulka Gunners ay duldhigeen qiime lacageed oo dhan 70 milyan oo Yuuro.

Sida uu ku warramay wargeyska AS ee dalka Spain, oo ay soo xigatay shabakadda Sport Witness, xaaladda xiddigan reer Spain ee garoonka Emirates ayaa noqotay mid aan xasilloonayn, wuxuuna u furan yahay inuu soo afjaro waayihiisa waqooyiga London. Arsenal ayaa la sheegayaa inay dalban doonto ugu yaraan 70 milyan oo Yuuro, taas oo u dhow lacagtii ay kaga soo iibsadeen Real Sociedad sanadkii 2025.

Inkastoo rajo weyn laga qabay markii uu yimid, 26 jirkan ayaa ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo shaxda tababare Mikel Arteta xilli-ciyaareedkan. Wuxuu saftay 12 kulan dhammaan tartamada isagoo ciyaaray kaliya 380 daqiiqo, welina kuma uusan soo bilaaban wax kulan ah oo ka tirsan horyaalka Premier League, maadaama ay ka horreeyaan Bruno Guimaraes, Declan Rice iyo Myles Lewis-Skelly.

Si kastaba ha ahaatee, Zubimendi ayaa toddobaadkii hore iska fogeeyay wararka xanta ah mar uu la hadlayay wargeyska Marca, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay Arsenal isla markaana uu rajeynayo inuu sii joogo ugu yaraan ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedkan.

Dhanka kale, tababare Arteta ayaa si fagaare ah u sheegay in Zubimendi uu yahay ciyaaryahan aad muhiim ugu ah kooxdiisa, halka shabakadda The Athletic ay ku warrantay in Arsenal aysan qorsheynayn inay fasaxdo bisha Janaayo, in kastoo Chelsea ay weli si dhow ula socoto xaaladdiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular