Troy Deeney Oo Pochettino Ugu Baaqay Inuu Man United Ka Ceyriyo Labadan Xiddig

Halyeeygii hore ee kooxda Watford, Troy Deeney, ayaa ugu baaqay tababaraha cusub ee Manchester United, Mauricio Pochettino, inuu go’aan adag qaato, isagoo u qabanaya Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford ilaa bisha Janaayo inay ku muujiyaan inay la jaanqaadi karaan qorshihiisa ama uu kooxda ka diro.

Deeney oo la hadlayay wargeyska The Sun ayaa tusaale u soo qaatay go’aankii geesinimada lahaa ee ay Arsenal ku eriday xiddigihii waaweynaa ee Mesut Ozil, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette si loo badbaadiyo jawiga guud ee naadiga.

“Ozil, Aubameyang iyo Lacazette waxaa loo saaray danta qof kasta oo kooxda joogay. Waxay abuureen jawi xun iyo niyad-jab; markii laga takhalusayna, ciyaartoyda kale waxay awood u yeesheen inay diiradda saaraan tababarka,” ayuu yiri Deeney.

Weeraryahankan hore ayaa intaas ku daray in xaaladda haatan ka jirta Manchester United ay u baahan tahay in isla tallaabadaas oo kale lagu qaado xiddigaha ugu magaca weyn sida kabtan Bruno Fernandes ama Marcus Rashford. Wuxuu ku adkeystay in Pochettino looga fadhiyo inuu fariin cad diro oo uu labadan ciyaaryahan fursad siiyo ilaa suuqa jiilaalka ee Janaayo, haddii ay isbeddel muujin waayaanna uu si toos ah uga saaro kooxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular