Ian Wright Oo Magacaabay Ciyaaryahanka U Suurtageliyay Xulka England Inuu Garaaco Spain

Halyeeygii hore ee kooxda Arsenal, Ian Wright, ayaa ku tilmaamay daafaca xulka qaranka England, Ben White, mid soo bandhigay qaab-ciyaareed “cajiib ah” ka dib markii xulka Three Lions ay Axaddii guul 3-2 ah ka gaareen Spain tartanka UEFA Nations League.

White ayaa shabaqa soo taabtay ciyaartaas ka dhacday magaalada Madrid, taas oo ay England ku soo afjartay rikoorkii cajiibka ahaa ee xulka Spain oo aan laga adkaanin 43 kulan oo xiriir ah.

Isagoo ka hadlayay telefishinka ITV, Wright ayaa ammaanay bandhigga daafacan ka tirsan kooxda Arsenal, wuxuuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay soo laabashadiisa xulka qaranka.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay Ben White iyo sida ay wax isugu beddeleen dhankiisa. Waa arrin aad u wanaagsan inuu dib ugu soo laabto xulka, caawana wuxuu ahaa mid cajiib ah; wuxuu samaynayay taakallo adag, isagoo cadaadis joogto ah saarayay ciyaartoyda Spain,” ayuu yiri Wright.

Natiijada kulankan ayaa ka dhigan in xulka England uu haatan ku hoggaaminayo Guruubka C iyagoo leh 15 dhibcood, halka xulka Spain uu ku jiro kaalinta labaad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular