“Warbaahinta Ayuu Ka Ogaaday” – Carrick Oo Ka Carooday Habka Loo Maareeyay Mustaqbalkiisa

Tababaraha kooxda Manchester United, Michael Carrick, ayaa dareemay inaan la ixtiraamin ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulka kooxdu ay si hoose ugu sii daayeen warbaahinta in shaqada laga cayrinayo.

Carrick, oo xilli-ciyaareedkii hore kooxda gaarsiiyay kaalinta saddexaad, ayaa wajahaya xilli-ciyaareed adag oo ay kooxdu fadhiso kaalmaha hoose ee horyaalka. Madaxda United oo uu ku jiro Sir Jim Ratcliffe ayaa maanta ku shiraya magaalada Monaco si ay go’aan kama dambeys ah uga gaaraan mustaqbalkiisa, inkastoo uu weli kooxda ku hoggaamiyay tababarka.

Dhanka kale, maamulka Old Trafford ayaa haatan dhammaystiraya heshiiska ay ku doonayaan in Mauricio Pochettino uu ku beddelo Carrick. Kooxda ayaa u baahan in ay bixiso lacag magdhow ah oo gaaraysa 7.5 milyan oo gini si ay uga soo furato macallinkan xulka Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Carrick ayaa ka carrooday inaysan maamulku si toos ah ugala hadlin xaaladdiisa, balse uu wararka cayrintiisa ka bartay warbaahinta, taas oo abuurtay xaalad adag oo ka dhex jirta kooxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular