DEG-DEG: Mauricio Pochettino Oo Qarka U Saaran Inuu Noqdo Tababaraha Manchester United

Mauricio Pochettino ayaa aad ugu dhow inuu noqdo tababaraha xiga ee kooxda Manchester United si uu u beddelo Michael Carrick, balse waxaa maamulka INEOS horyaalla hal caqabad oo aad u weyn.

Madaxda sare ee United oo uu ku jiro Sir Jim Ratcliffe, ayaa Arbacadan ku kulmaya magaalada Monaco si ay go’aan kama dambeys ah uga gaaraan mustaqbalka Carrick, kaas oo weli la filayo inuu maanta sii hoggaamiyo tababarka xarunta Carrington.

Sida ay ku warrantay shabakadda The Athletic, maamulka United ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay wada-hadallo kula jiray wakiillada Pochettino, waxaana la filayaa in xaaladdu ay u dhacdo dhanka uu macallinkan reer Argentina kula wareegayo shaqada garoonka Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, Pochettino laftiisa ayaan weli si shakhsi ah uga qayb-gelin wada-hadallada sababtoo ah Manchester United weli si rasmi ah ulama aysan xiriirin Xiriirka Kubadda Cagta ee Mareykanka (US Soccer). Waxaa Talaadadii soo baxday in United ay ku qasban tahay bixinta lacag magdhow ah oo gaaraysa 10 milyan oo doolar (7.5 milyan oo gini) si ay uga soo furato tababaraha qandaraaska afarta sano ah ee uu kula jiro xulka Mareykanka, kaas oo uu kordhiyay bishii Agoosto.

Caqabadda ugu weyn ee haatan soo korodhay ayaa ah in Pochettino uu doonayo inuu garoonka Old Trafford u soo kaxaysto dhammaan shaqaalihiisa tababarka, iyadoo xubin kasta oo ka mid ah shaqaalahaas uu qandaraaskiisa ku xiran yahay lacag magdhow oo gaar ah oo ay tahay in la bixiyo.

Shaqaalaha uu Pochettino sida weyn ugu kalsoon yahay waxaa ka mid ah ku-xigeenkiisa muddada dheer, Jesus Perez, iyo Miguel D’Agostino oo la soo shaqaynayay tan iyo sanadkii 2010 markii uu joogay Espanyol, macallinka goolhayayaasha Toni Jimenez, iyo wiilkiisa Sebastiano Pochettino oo ah tababaraha jir-dhiska. Perez oo horey uga hadlay wada-shaqayntooda ayaa xusay inay muddo dheer wada jireen isla markaana ay wadaagaan mabaadi’ isku mid ah oo ay ku matalaan falsafadda Pochettino meel kasta oo ay tagaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular