Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Arsenal, Martin Zubimendi, ayaa ka hadlay wararka xanta ah ee la xiriirinaya inuu bisha Janaayo u wareegayo kooxaha Chelsea ama Atletico Madrid, isagoo shaaca ka qaaday in tababare Mikel Arteta uu bilowgii xilli-ciyaareedka uga digay loolanka adag ee booskiisa.
Xiddigan reer Spain oo 18 bilood ka hor 60 milyan oo gini uga soo wareegay Real Sociedad, ayaa xilli-ciyaareedkii hore door weyn ka qaatay hanashada horyaalka. Si kastaba ha ahaatee, daal soo food-saaray dhammaadkii xilli-ciyaareedka ayaa keenay in da’yarka Myles Lewis-Skelly uu kala wareego booska, halka imaatinka Bruno Guimaraes uu sii yareeyay fursaddiisa, isagoo aan weli kusoo bilaaban wax kulan ah oo Premier League ah xilli-ciyaareedkan.
Chelsea oo uu hoggaamiyo Xabi Alonso iyo kooxda Atletico Madrid ee uu leyliyo Diego Simeone ayaa labaduba si weyn u doonaya saxiixa 27-jirkan ku guuleystay Koobka Adduunka.
Zubimendi oo waraysi siiyay wargeyska Marca ayaa beeniyay inuu ku dhow yahay bixitaan, wuxuuna yiri: “Mararka qaar saxaafaddu way iga yaabisaa. Waan fahamsanahay in suuqa jiilaalka uu soo dhow yahay, balse waxay ila tahay inaan taxaddar muujinno marka wax la daabacayo. Qof walba koox ayuu u ciyaaraa, waana in la ixtiraamo. Waxaan akhriyay inaan ku dhowahay bixitaan, laakiin waxba kama jiraan.”
Isagoo ka hadlayay wadahadalkii dhexmaray isaga iyo Arteta ayuu raaciyay: “Mikel ayaan la hadlay bilowgii xilli-ciyaareedka, wuuna ii sharraxay qorshaha. Wuxuu iiga digay inay jiraan saxiixyo cusub, qof walbana uu heli doono waqti uu ku ciyaaro, haatanna waan u dagaallamaynaa booskaas. Waan fahamsanahay sababtoo ah waxaan ka mid nahay shanta kooxood ee ugu fiican Yurub.”
Ugu dambeyn, Zubimendi ayaa xusay inuu aad u deggen yahay isla markaana uu dulqaad muujinayo, isagoo aaminsan in sida degdegga ah ee ay xaaladdu isugu beddeshay xilli-ciyaareedkii hore ay haddana dhanka wanaagsan isugu rogi karto.