Mauricio Pochettino ayaa qarka u saaran inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Manchester United, iyadoo xeelad qarsoodi ah oo uu ku soo dabaqay xiddigihii Tottenham Hotspur ay ka caawin karto inuu dhabbada guulaha kusoo celiyo kooxda garoonka Old Trafford.
Shabakadda The Athletic ayaa Arbacadan shaaca ka qaadday in United ay dhammaystirayso heshiiska ay ku magacaabayso Pochettino si uu u beddelo Michael Carrick, kaas oo maamulka sare ee kooxdu ay kulan ka socda magaalada Monaco go’aan kama dambeys ah uga gaarayaan mustaqbalkiisa. Haddii uu la wareego shaqada, United waxay noqon doontaa kooxdiisii afaraad ee Premier League ka dib Southampton, Tottenham iyo Chelsea, isagoo haatan maamula xulka qaranka Mareykanka.
Intii uu joogay Spurs, Pochettino wuxuu kooxda ku hoggaamiyay kaalinta labaad ee horyaalka xilli-ciyaareedkii 2015/16 iyo finalka Champions League sanadkii 2019, isagoo sidoo kale kalsooni weyn siiyay ciyaartoyda da’da yar. Kuwaas waxaa ka mid ahaa khadkii dhexe ee Ryan Mason, oo 66 kulan u saftay kooxda ka hor inta uusan ciyaaraha uga fariisan dhaawac culus oo madaxa ka soo gaaray markii uu u ciyaarayay Hull City.
Mason oo sanadkii 2018 la hadlayay shabakadda ESPN ayaa kashifay xeeladda ee ay Pochettino iyo ku-xigeenkiisa Jesus Perez ku beddeleen maskaxda ciyaartoyda Spurs, wuxuuna yiri: “Weli waan maqlaa codka Jesus. Marka aan tababarka ku jiro ama aan ciyaarayo oo jirkaygu i leeyahay ‘Waad daallan tahay’, waxaan maqlaa codkiisa oo i leh ‘Wiil xooggan ayaad tahay, Mase!’ Taasi maskaxdayda ayay ku dhagtay.”
Isagoo sharraxaya sida ay u tababaraan maskaxda ayuu raaciyay: “Waxay kaa dhigayaan inaad aaminto oo aad ku kalsoonaato jirkaaga, isla markaana aad gaarsiiso heer aadan u malaynayn inaad gaari karto. Waxay tababarayaan maskaxdaada si ay jirkaaga ugu sheegto inaadan daallanayn. Wax walba waxay ahaayeen kuwo togan, marnaba ma jirin wax taban. Waxay fahamsan yihiin dhanka maskaxda iyo culayska kaa haysta banaanka garoonka, wax walbana waxay ku xiran yihiin dhisidda maskaxda ee ma ahan oo keliya awoodda jirka iyo xeeladda ciyaarta.”
Hab-dhaqankan ayaa si weyn u anfici doona Manchester United, oo xilli-ciyaareedkan fadhida kaalinta 19-aad ee kooxaha ugu orodka badan horyaalka Premier League, iyadoo ay Liverpool oo keliya ka hoosayso. Ciyaartoyda United ayaa eedeymo badan kala kulmay orod yarida, waxaana hadda kooxda u dhiman oo keliya inay bixiso lacagta magdhowga ah ee 10-ka milyan ee doolar (7.5 milyan oo gini) si looga soo furto qandaraaska xulka Mareykanka iyo kharashaadka lagu soo kaxaynayo shaqaalihiisa tababarka.