Rio Ferdinand Oo Shaaciyay Magaca Tababaraha Uu U Arko Xalka Dhibaatada Man United

Daaficii hore ee kooxda Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa sheegay in Mauricio Pochettino uu yahay musharraxa ugu cadcad ee lagu beddeli karo tababare Michael Carrick, kaas oo haatan qarka u saaran in laga cayriyo shaqada garoonka Old Trafford.

Mustaqbalka Carrick ayaa halis weyn ku jira ka dib bilow aad u liita oo ay kooxdu samaysay xilli-ciyaareedkan. Kooxda Red Devils ayaa fasaxa xulalka qaranka gashay iyadoo fadhida kaalinta 18-aad ee kala-sarreynta horyaalka Premier League, waxayna hal dhibic oo keliya ka sarreysaa kooxda ugu hoosaysa horyaalka.

Tababarayaal dhowr ah oo magac weyn ku leh kubadda cagta, kuwaas oo ay ka mid yihiin Eddie Howe, Fabian Hurzeler, Julian Nagelsmann iyo Antonio Conte, ayaa dhammaantood lala xiriirinayay inay la wareegi karaan shaqada kooxda haddii la eryo Carrick.

Si kastaba, Ferdinand oo ka hadlayay kanaalkiisa YouTube-ka ayaa tilmaamay in macallinka reer Argentina uu haatan hoggaaminayo tartanka loogu jiro shaqadan. Wuxuu yiri: “Dadku waxay ka hadlayaan Mauricio Pochettino, waxayna u muuqataa inuu haatan ku jiro safka ugu horreeya ee musharraxiinta.”

Halyeeyga United oo sii ammaanaya Pochettino iyo shaqaalihiisa tababarka ayaa hadalkiisa ku soo xiray: “Waqti ayaan la qaadannay isaga iyo kooxdiisa xagaagii la soo dhaafay, runtiina waa dad aad u wanaagsan oo xirfad sare iyo karti u leh shaqada ay qabanayaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular