10-ka Saxiix Ee Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareed Kaan

Tobanka saxiix ee ugu fiican horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay qiimeyn cusub, iyadoo daafaca kooxda Leeds United ee Tarik Muharemovic uu ku guuleystay kaalinta koowaad.

Muharemovic oo kaga yimid Sassuolo lacag ka yar 34 milyan oo gini ayaa si aad ah ula qabsaday horyaalka isagoo 23 jir ah. Waxaa kaalinta labaad ku jira daafaca cusub ee Liverpool, Jeremy Jacquet, halka goolhayaha Leeds United ee James Trafford uu fadhiyo kaalinta saddexaad.

Liiska tobanka ugu sarreeya waxaa sidoo kale ku jira Luka Vuskovic (Brighton) oo kaalinta afaraad ah, Nicolas Jackson (Aston Villa) oo ku jira kaalinta shanaad, iyo Morgan Rogers (Chelsea) oo galay kaalinta lixaad.

Dhanka kale, Antonio Silva (Bournemouth) ayaa ku jira kaalinta toddobaad, halka Ronald Araujo (Liverpool) uu fadhiyo kaalinta siddeedaad. Daafaca Arsenal ee Ezri Konsa ayaa ku jira kaalinta sagaalaad, iyadoo goolhayaha Aston Villa ee Zion Suzuki uu buuxiyay kaalinta tobanaad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular