Tababaraha kooxda Manchester United, Michael Carrick, ayaa xaqiijiyay in xiddiga khadka dhexe ee Carlos Baleba uu garoomada ka maqnaan doono dhowr toddobaad.
Carrick oo Jimcihii la hadlayay warbaahinta ka hor kulanka horyaalka Premier League ee ay dhammaadka toddobaadkan wajahayaan Aston Villa, ayaa ka warbixiyay dhaawaca muruqa bowdada ah ee soo gaaray laacibka reer Cameroon kulankii Champions League ee ay bartamihii toddobaadkan 3-2 uga adkaadeen Roma.
Tababaraha ayaa sheegay in aan si sax ah loo ogeyn muddada uu maqnaan doono Baleba, balse uu hubaal seegi doono ciyaarta Aston Villa, isla markaana uusan soo laaban doonin inta lagu guda jiro fasaxa xulalka qaranka, maqnaanshihiisuna uu intaas ka dheeraan doono.
Dhanka kale, Carrick ayaa xusay in daafaca Patrick Dorgu uu bilowgii toddobaadkan kooxda la qaatay tababar fudud. Wuxuu tilmaamay inay u baahan yihiin inay u dulqaataan maadaama uu ka soo kabsanayo dhaawacyo dhanka muruqa ah, isla markaana la eegi doono haddii uu qayb ka noqon karo kulanka dhammaadka toddobaadkan.