Kooxda Manchester United ayaa lumin doonta malaayiin gini ka dib markii da’yarka JJ Gabriel uu go’aansaday inuu u wareego Real Madrid, sababo la xiriira xeerarka xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA.
Sida uu sheegay wariye Fabrizio Romano, Gabriel ayaa Real Madrid ka doortay kooxaha Barcelona, Bayern Munich iyo PSG, wuxuuna si rasmi ah ugu biiri doonaa 1-da Janaayo, iyadoo la fududeeyay baasaboorkiisa Yurub.
Wargeyska MARCA ayaa ku warramay in madaxda United ay aad uga niyad-jabsan yihiin luminta ciyaaryahankan ay u arkayeen mid mustaqbalka gaari kara 100 milyan oo gini. Si kastaba, qodobka 20-aad ee xeerka FIFA oo khuseeya ciyaartoyda u wareegta horyaal dal kale ah, ayaa dhigaya in United ay heli doonto magdhow tababar oo dhan 300,000 oo gini oo keliya.
Haddii Gabriel uu ku biiri lahaa koox kale oo Premier League ah ka dib markii uu diiday heshiiskii waxbarasho ee United, kooxdu waxay heli lahayd lacag ka badan 3 milyan oo gini iyo boqolkiiba 20 iibkiisa mustaqbalka, sidii dhacday markii Liverpool ay Chelsea kaga soo iibsatay Rio Ngumoha.
Gabriel ayaa ku biiri doona akadeemiyadda Real Madrid, isagoo rajeynaya inuu raaco wadada xiddigaha England ee Jude Bellingham iyo Trent Alexander-Arnold.