Maxaa Ka Khaldan Weeraryahannada Arsenal? Steve McManaman Oo Sabab Lama Filaan Ah Shaaciyay

Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid, Steve McManaman, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladda weeraryahannada kooxda Arsenal ee Viktor Gyokeres iyo Kai Havertz.

Ka dib guushii 2-1 ahayd ee ay Arsenal bartamihii toddobaadkan ka gaartay kooxda Slavia Prague tartanka Champions League, McManaman ayaa u garaabay labadan weeraryahan. Wuxuu sheegay in xeeladda taxaddarka ku dhisan ee tababare Mikel Arteta ay sababto in mar walba eedda dusha laga saaro weeraryahannada marka kooxdu ay ciyaarto kubbad daafac ah.

“Mararka qaar waan ka xumaadaa xaaladda weeraryahannada Arsenal, sababtoo ah ma ahan koox soo bandhigta ciyaar lagu raaxaysto sida Barcelona oo kale,” ayuu yiri McManaman oo hadalkiisa uu soo xigtay wargeyska Metro UK.

Wuxuu intaas ku daray: “Koox ahaan waxay ka difaacdaan meel aad u hooseysa, Gyokeres iyo Havertz ayaana mararka qaar eedda ku qaata arrintaas darteed. Ciyaartoyda khadka dhexe iyo daafacyada ayaa ah kuwa aan hadal-hayno.”

Dhanka kale, kooxda Arsenal oo hadda hoggaanka horyaalka Premier League ku haysa 24 dhibcood, ayaa maalinta Sabtida garoonkeeda Emirates ku martigelin doonta kooxda Hull City.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular