Sababta Dhabta Ah Ee Uu Cristiano Ronaldo Kaga Fariistay Xulka Portugal Oo Bannaanka Loo Soo Saaray

Sababta dhabta ah ee Cristiano Ronaldo uu uga fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee xulka Portugal ayaa shaaca laga qaaday, iyadoo la xaqiijiyay inuu go’aankaas qaatay isagoo aan ku wargelin tababaraha xulka qarankaas, Jorge Jesus.

Sida ay ku warramayso warbaahinta A Bola ee dalka Portugal, Ronaldo iyo tababare Jesus islama aysan hadlin tan iyo 30-kii bishii Sebteembar. Ronaldo ayaa go’aankiisa ka fariisashada ku wargeliyay guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Portugal, Pedro Proença, balse lama uusan hadlin tababare Jesus.

Waxaana hadda soo baxday in laacibkan 41 jirka ah uusan doonayn inuu mar dambe ka hoos ciyaaro maamulka tababare Jorge Jesus.

Ronaldo ayaa ku dhawaaqay go’aankiisa wax yar uun ka hor inta aan la shaacin liiska ciyaartoyda xulka Portugal ee kulamada fasaxa bisha Nofeembar, si uu uga fogaado in xulka looga yeero.

Tababare Jesus ayaa qorsheynayay inuu u yeero weeraryahankan u ciyaara kooxda Al-Nassr, balse warka ka fariisashadiisa ayaa ku noqday mid kedis ah oo uusan filayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular