Kooxda Manchester United ayaa la xiriirtay tababarihii hore ee xulka Faransiiska, Didier Deschamps, si uu u beddelo Michael Carrick.
Deschamps oo 58 jir ah ayaa shaqo la’aan ah ka dib markii uu iska casilay xulka France oo uu hoggaaminayay 14 sano ka dib Koobkii Adduunka ee 2026-ka.
Sida uu ku warramay Santi Aouna oo ka tirsan Foot Mercato, United ayaa maalmihii la soo dhaafay la xiriirtay tababarahan, inkastoo uusan aad ugu hammuun qabin inuu hadda la wareego kooxda, uuna diyaar u yahay inuu sugo suuqa kala iibsiga ee soo socda.
Inkastoo guushii 3-2 ee ay Talaadadii ka gaareen Roma ay nefis siisay Carrick, haddana United waxay fadhidaa kaalinta 17-aad ee Premier League iyadoo farqiga goolasha oo keliya kaga sarreyso khadka cas.
Haddii ay Axadda guul-darro kala kulmaan Aston Villa, Sir Jim Ratcliffe iyo maamulka INEOS ayaa qaadi kara tallaabo ka hor fasaxa xulalka qaranka.
Dhanka kale, madaxa qorista ciyaartoyda Christopher Vivell ayaa doorbidaya Julian Nagelsmann, halka agaasimaha farsamada Jason Wilcox uu doonayo Eddie Howe. Sidoo kale, Antonio Conte oo ka tagay Napoli ayaa bartiisa Instagram ku beeniyay inuu wadahadal kula jiro kooxda ama uu shuruudo dhaqaale hor dhigay.