Bruno Fernandes Oo Caddeeyay Meesha Uu Doonayo Inuu Aado Haddii Uu Ka Tago Manchester United

Kabtanka kooxda Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa horey u shaaciyay saddexda horyaal ee uu ku riyoonayo inuu ka ciyaaro haddii uu ka tago Old Trafford xagaaga soo socda.

Laacibkan 32 jirka ah oo heshiiskiisu ku egyahay bisha Juun 2027-ka, balse lagu dari karo hal sano oo kale, ayaa shaki la geliyay mustaqbalkiisa ka dib markii uu dhaliilay xeeladda tababare Michael Carrick kulankii ay 4-1 uga adkaatay Como.

Inkastoo laga reebay ciyaartii Bournemouth, haddana wadahadal dhexmaray labada dhinac ka dib wuxuu ku soo laabtay shaxda kooxda, isagoo gool rigoore ah dhaliyay kulankii ay ka badiyeen Roma.

Haddii uu ka tago United, Fernandes wuxuu horey u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu tijaabiyo horyaalka Spain, inuu koobab waaweyn kula tartamo Talyaaniga oo uu horey uga soo ciyaaray, ama inuu ku laabto dalkiisa Portugal gaar ahaan kooxdiisii hore ee Sporting.

Dhanka kale, kooxda Al-Hilal ee dalka Sacuudiga oo 2025-kii ku dalbatay 100 milyan oo gini ayaa ka hartay doonista xiddigan. Shabakadda talkSPORT ayaa ku warrantay in Al-Hilal ay buuxsatay boosaska ciyaartoyda ajnabiga ah ka dib markii ay la soo wareegtay Gabriel Martinelli, Ollie Watkins iyo Crysencio Summerville.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular