Dimitar Berbatov Oo Magacaabay 3 Khad Dhexe Oo Uu Aaminsan Yahay Inay Ka Fiican Yihiin Declan Rice

Weeraryahankii hore ee kooxaha Manchester United iyo Tottenham, Dimitar Berbatov, ayaa magacaabay saddex ciyaaryahan oo khadka dhexe ah oo uu aaminsan yahay inay xilligan ka wanaagsan yihiin xiddiga Arsenal ee Declan Rice.

Halyeeygan u dhashay dalka Bulgaria ayaa xushay Vitinha oo u ciyaara PSG, Jude Bellingham oo ka tirsan Real Madrid iyo xiddiga Manchester City ee Rodri. Hadalkan ayaa imaanaya inkastoo Rice uu wacdaro ka dhigay kulankii Axadda ee ay Arsenal 1-0 kaga adkaatay Liverpool, ciyaartaas oo uu caawiyay goolka guusha ee Kai Havertz, kuna qaatay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa garoonka.

Berbatov oo la hadlayay wargeyska Metro ayaa xusay in saddexdaas laacib ay weli ka sarreeyaan Rice, balse wuxuu qiray inuu yahay hoggaamiye dhab ah oo muhiim u ah kooxda tababare Mikel Arteta, isla markaana tamar badan ku soo kordhiya ciyaar walba.

Sidoo kale, Berbatov ayaa ku taliyay in la nasiyo Rice ka hor kulamada ciriiriga ah ee bisha Diseembar. Xiddigan ayaa dhammaystay 90-kii daqiiqo ee kulankii Champions League ee ay Arbacadii ka badiyeen Slavia Prague, waxaana hadda la eegi doonaa haddii Arteta uu nasin doono kulanka Sabtida ee Hull City.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular