“Haddii Aan Awoodi Lahaa, 5-tan Xiddig Ayaan Keeni Lahaa” – Scholes Oo Magacaabay 5 Xiddig Oo Badbaadin Kara United Xilli Ciyaareed Kaan

Kooxda Manchester United ayaa diyaarisay liis ka kooban saddex ciyaaryahan oo ay doonayso inay laba ka mid ah la soo wareegto suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo, si ay u xoojiso daafaceeda iyo weerarkeeda.

United oo xagaagii dhaqaale badan ku bixisay khadka dhexe ka dib markii ay la soo wareegtay Andrey Santos, Carlos Baleba iyo Youri Tielemans, ayaa xilli-ciyaareedkan ku dhibtoonaysa horyaalka iyadoo isku dhibco ay yihiin Crystal Palace oo ku jirta kaalinta 18-aad ee khadka cas.

Sida uu ku warramay wargeyska The Sun, Manchester United ayaa dhanka daafaca bidix ku raad-joogta Rayan Ait-Nouri oo ka tirsan Manchester City iyo Tyrick Mitchell oo u ciyaara Crystal Palace, kaas oo qandaraaskiisu dhammaanayo dhammaadka xilli-ciyaareedkan laguna heli karo qiimo jaban.

Dhanka weerarka, waxay beegsanayaan weeraryahanka Fulham ee Rodrigo Muniz, oo horey amaah uga soo hoos ciyaaray tababare Michael Carrick waqtigii Middlesbrough, si uu u buuxiyo booska Benjamin Sesko oo dhaawacan iyo Joshua Zirkzee oo la filayo inuu baxo.

Dhanka kale, halyeeygii hore ee kooxda, Paul Scholes, ayaa sheegay in haddii uu awoodo uu United u soo iibin lahaa shanta xiddig ee kala ah Gabriel Magalhaes, Jude Bellingham, Michael Olise, Kylian Mbappe iyo Declan Rice si ay kooxda u badbaadiyaan. Saaxiibkiisii hore Nicky Butt ayaa isaguna xushay Gabriel, Harry Kane, Declan Rice, Lamine Yamal iyo daafaca Newcastle United ee Lewis Hall.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular