Arsenal ayaa rikoor cusub oo kooxeed ka dhigtay Champions League kadib markii ay habeenkii Arbacada 2-1 kaga adkaatay Slavia Prague.
Guushan ayaa Arsenal gaarsiisay 10 kulan oo xiriir ah oo aysan guuldarro la kulmin marka ay marti ku tahay tartanka, waana markii ugu horreysay ee ay taariikhdeeda gaarto tiradaas. Sidoo kale, Gunners ayaa kaalinta saddexaad ka gashay miiska kala sarreynta.
Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa qeybtii hore hoggaan laba gool ah ku qabatay ciyaarta, waxaana shabaqa soo taabtay Noni Madueke iyo Viktor Gyökeres.
Si kastaba, Arsenal ayaa ku guuldarreysatay inay goolal kale ku darto, waxaana Wiktor Nowak uu gool dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay, taasoo ciyaarta ka dhigtay mid xiiso badan.
Goolkaas ayaa keenay in lagu daro shan daqiiqo oo dheeri ah, muddadaas oo Slavia Prague ay dadaal ugu jirtay inay barbarro keensato.
Hase yeeshee, kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa iska caabbisay weerarradii dambe, iyadoo ugu dambeyn xaqiijisay saddexda dhibcood iyo rikoor cusub oo Champions League ah.