Jude Bellingham Oo Jabiyay Rikoor Champions League Ah Oo Iker Casillas U Yaallay In Ka Badan 20 Sano

Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid, Jude Bellingham, ayaa Arbacadii noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa taariikhda Champions League ee gaaray 60 kulan.

Bellingham ayaa ku bilowday kulankii ay Real Madrid 3-2 kaga badisay AEK Athens, isagoo markaas jiray 23 sano iyo 128 maalmood.

Wuxuu sidaas ku dhaafay rikoorkii uu haystay goolhayihii hore ee Real Madrid, Iker Casillas, kaasoo gaaray 60 kulan isagoo jiray 23 sano iyo 167 maalmood. Bellingham ayaa rikoorkaas ku dhaafay 39 maalmood.

Rikoorka Casillas ayaa taagnaa in ka badan labaatan sano, balse xiddiga reer England ayaa hadda noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee 60 kulan ka ciyaara tartanka.

Tani waa markii labaad ee Bellingham uu jabiyo rikoor dhanka tirada kulamada Champions League ah oo uu Casillas haystay. Bishii November ee sanadkii hore ayuu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gaaray 50 kulan oo tartanka ah.

Bellingham ayaa sidaas ku sii xoojiyay booskiisa taariikhda Champions League, isagoo labada rikoorba kala wareegay halyeeygii hore ee Real Madrid.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular