Tababaraha Liverpool, Andoni Iraola, ayaa sharaxay sababta kooxdiisa ay guuldarro 3-2 ah ugala kulantay Fenerbahçe kulankii Champions League ee Arbacadii.
Goolal ay dhaliyeen Mason Greenwood, Archie Brown iyo Vedat Muriqi ayaa kooxda Turkiga u xaqiijiyay guusha, halka Alexander Isak iyo Trey Nyoni ay Liverpool u kala dhaliyeen labada gool.
Iraola ayaa shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta kadib ku sheegay in sababta ugu weyn ee guuldarradu ay ahayd difaaca liitay ee kooxdiisa marka la iska difaacayo kubbadaha laadka taagan.
“Sababta ugu weyn ee aan u arko inaan ciyaarta ku luminay waa in saddex gool nalooga dhaliyay kubbadaha laadka taagan,” ayuu yiri Iraola.
Wuxuu intaas ku daray in difaaca Liverpool ee kubbadaha noocaas ah uu si wanaagsan u shaqeynayay kulamadii horyaalka, balse uu habeenkan fashilmay.
“Waa arrin aan horyaalka si wanaagsan uga qabanaynay. Waxaan u maleynayaa inaan si fiican ula tacaalaynay ilaa maanta,” ayuu raaciyay.
Liverpool ayaa haatan diiradda saari doonta kulankeeda xiga ee Premier League, kaasoo ay dhammaadka toddobaadkan la ciyaari doonto Crystal Palace.