Manchester United Oo Wajaheysa Dhaawac Culus Ka Hor Kulanka Aston Villa

Manchester United ayaa la kulantay war dhaawac oo dhabar-jab ku ah, ka hor kulanka ay dhammaadka toddobaadkan Premier League la ciyaari doonto Aston Villa.

Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda, Carlos Baleba, ayaa dhaawac muruqa bowdada ah soo gaaray intii ay Manchester United 3-2 kaga adkaatay AS Roma kulan ka tirsanaa Champions League oo Talaadadii dhacay.

Manchester United ayaa dhaawaca ciyaaryahanka ku xaqiijisay qoraal ay Arbacadii ku daabacday boggeeda rasmiga ah, iyadoo sheegtay in maalmaha soo socda ay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonto xaaladdiisa.

Xiddiga reer Cameroon ayaa kulankii Roma markii ugu horreysay khadka dhexe ku wehliyay Kobbie Mainoo oo reer England ah.

Labadooda ayaa soo bandhigay firfircooni iyo xirfad kubadeed, iyadoo gool uu dhaliyay Bruno Fernandes iyo laba gool oo uu saxiixay Matheus Cunha ay Michael Carrick u horseedeen guusha.

Baleba ayaa markii dambe lagu beddelay Youri Tielemans, kaasoo bandhig wanaagsan ka sameeyay kulankaas.

Weli lama oga in Baleba uu waqtigiisa ku soo kaban doono si uu uga qeyb galo kulanka Aston Villa oo ka dhici doona Old Trafford.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular