Wayne Rooney Oo Farta Ku Fiiqay Ciyaaryahanka United La Degay Iyo Cidda Uu Garabka Ka Helayo

Halyeeyga Manchester United, Wayne Rooney, ayaa si kulul u dhaliilay Lisandro Martinez kadib qaab ciyaareedkiisii liitay ee kulankii ay Red Devils 2-0 kaga badisay Chelsea garoonka Stamford Bridge Sabtidii.

Rooney ayaa isku daygii Martinez ee uu ku doonayay inuu ku joojiyo goolkii Morgan Rogers ku tilmaamay mid aad u liitay, isagoo ku eedeeyay inuu ku guuldarreystay inuu jirkiisa u adeegsado sidii uu u hor istaagi lahaa weeraryahanka Chelsea.

Goolka ayaa yimid daqiiqaddii 50-aad, markii Rogers uu kubadda ka helay agagaarka bartamaha garoonka, kadibna uu dhex maray difaaca United, isagoo kubadda ka dul qaaday goolhaye Senne Lammens.

Martinez ayaa kulanka ku dhammeystay kaar cas. Markii hore waxaa la siiyay jaalle kadib markii uu Rogers jiiday, balse 82 ilbiriqsi kaddib ayaa garoonka laga saaray, isagoo Wesley Fofana gacanta kaga dhuftay wejiga xilli uu difaacayay koorno.

Cole Palmer ayaa rigooraii la dhigay u beddelay gool, taasoo Chelsea siisay guul 2-0 ah, isla markaana United gaarsiisay sagaal kulan oo xiriir ah oo aysan wax guul ah gaarin tartamada oo dhan. Kooxda ayaa kaalinta 17-aad ku jirtay horyaalka.

Rooney oo ka hadlayay barnaamijka The United Stand ayaa sheegay in Martinez uu sameeyay qalad aan la aqbali karin, isagoo yiri: “Sida uu isugu dayay inuu u qabto Rogers waxay ahayd wax aad u fool xun. Xitaa ma jeclaan lahayn in ciyaartoyda da’yarta ahi sidaas sameeyaan.”

Martinez ayaa ganaax ku seegi doona kulanka xiga ee United ay Axadda la ciyaari doonto Aston Villa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular