Manchester United ayaa wajahaysa loollan adag oo kaga imanaya da’yarkeeda JJ Gabriel, iyadoo Real Madrid iyo Barcelona ay noqdeen labada kooxood ee ugu cadcad saxiixa weeraryahanka 16 jirka ah.
Sida ay sheegtay Sky Sport, Gabriel ayaa kooxda ka tagi kara horraanta Janaayo 2027, inkastoo ay sidoo kale suurtagal tahay inuu baxo suuqa kala iibsiga xagaaga.
Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain ayaa iyaguna la socda xaaladdiisa, balse hadda fursadahooda ayaa loo arkaa kuwo ka hooseeya kuwa labada kooxood ee reer Spain, inkastoo ay wadahadallo kula jiraan dadka ku xeeran ciyaaryahanka.
Manchester United wali kama quusan rajada ay ka qabto sii haysashada xiddigan ka soo baxay akadeemiyadeeda, waxayna isku dayaysaa inay ku qanciso inuu mustaqbalkiisa fog ku xiro Old Trafford.
Mustaqbalka Gabriel ayaa weli mugdi ku jira, iyadoo khilaafka ka dhashay fursadaha uu ka heli lahaa kooxda koowaad uu qayb ka yahay sababaha ku riixaya inuu baxo.