Goolhayihii hore ee Manchester United, Peter Schmeichel, ayaa sheegay inaysan jirin koox awood u leh inay Arsenal kula tartanto hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Schmeichel ayaa hadalkan ka sheegay barnaamijka ViaPlay, kadib markii Arsenal ay 1-0 kaga adkaatay Liverpool garoonka Anfield.
Guushaasi waxay ahayd tii ugu horreysay ee Arsenal ay garoonka Liverpool ka gaarto tan iyo sannadkii 2012.
Intii uu falanqeynayay ciyaarta, Schmeichel ayaa diiday inuu dhaliilo qaabka ay Arsenal u ciyaartay, isagoo sheegay in waxa ugu muhiimsan ay yihiin natiijooyinka.
“Qaab ciyaareedkaas, inaad timaaddo Anfield oo aad 1-0 ku badiso, muhiim ma aha sidaad guusha ku gaarto,” ayuu yiri Schmeichel.
Wuxuu intaas ku daray: “Gunners waa koox guuleysata, mana arko cid awood u leh inay la tartanto, marka loo eego tayada ciyaartoyda ay heystaan iyo qaab ciyaareedka Mikel Arteta.”