Virgil van Dijk Oo Sharraxay Sababta Liverpool Looga Adkaaday Kulankii Arsenal

Kabtanka Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa muujiyay sida uu uga niyad-jabsan yahay guuldarradii 1-0 ahayd ee kooxdiisa kala kulantay Arsenal kulankii Premier League ee Axaddii.

Goolkii Kai Havertz uu qeybtii hore dhaliyay ayaa Arsenal u horseeday guusha, iyadoo Liverpool ay ku guuldarreysatay inay fursadaheeda goolal u beddesho.

Van Dijk oo ciyaarta kaddib warbaahinta la hadlay ayaa yiri:

“Waa niyad-jab, niyad-jab weyn. Waxaan helnay fursado, wax walbana waan isku daynay.

“Waxaan u maleynayaa inaan wax yar ka fiicnaan karnay 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay, gaar ahaan inaan kubado badan ku tuurno xerada ganaaxa.

“Laakiin maanta kuma filneyn, waana sababta aan niyad-jabka u dareemayo.

“Kaddib markii goolka nalaga dhaliyay, waxaan bilownay inaan si ka wanaagsan u ciyaarno. Fursaddii weynayd ee Alexis waxay beddeli kartay ciyaarta, balse nasiib darro taas ma dhicin.

“Waxaan ogayn in qeybta labaad ay wax walba dhici karaan, sidaas darteed waan sii riixnay, waxaana isku daynay inaan goolal dhalinno.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular