Halyeeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa dhaliilay daafaca Arsenal, Gabriel Magalhaes, isaga oo ku eedeeyay inuu jilliin sameeynayay intii ay socotay ciyaartii ay Arsenal 1-0 kaga adkaatay Liverpool.
Daafaca reer Brazil ayaa dhulka ku dhacay isaga oo wejiga qabsanaya, kaddib isku dhac dhexmaray isaga iyo weeraryahanka Liverpool, Alexander Isak, daqiiqadihii ugu horreeyay ciyaartii ka dhacday Anfield.
Gabriel ayaa garsoore Andy Madley ka dalbaday inuu Isak khaladka ku calaamadeeyo, isaga oo muujinayay in weeraryahanku wejiga ku dhuftay. Hase yeeshee, muuqaallada dib loo daawaday ayaa muujiyay in gacanta Isak ay ku dhacday laabta sare ee Gabriel.
“Mararka qaar naftiisa ayuu hoos u dhigaa. Waan jeclahay xamaasaddiisa iyo dadaalkiisa, laakiin waxaa laga riixay laabta sare, wuxuuna dhulka isku tuuray isagoo heysta wejiga. Waa arrin aad u ceeb ah, waana inuu joojiyaa,” ayuu Neville ka yiri Sky Sports.
Dhanka kale, Kai Havertz ayaa dhaliyay goolka keliya daqiiqaddii 16-aad, isaga oo Arsenal siisay saddex dhibcood oo ay hoggaanka Premier League ku sii adkaysatay.
Neville ayaa sidoo kale ammaanay qaab ciyaareedka difaac ee Arsenal, isaga oo guusha ku tilmaamay bandhig difaac oo heer sare ah.
“Arsenal waxay soo bandhigtay difaac heer sare ah. Waxay yimaadeen garoon adag, wayna ku adkaadeen,” ayuu yiri.
Guuldarradan ayaa Liverpool ka dhigtay kooxda kaalinta shanaad kaga jirta horyaalka, halka Arsenal ay saddex dhibcood ka sarreyso kooxda ku soo xigta.