Daaficii hore ee xulka England, Jamie Carragher, ayaa xiddiga Arsenal ee Declan Rice ku tilmaamay ciyaaryahanka khadka dhexe ee ugu fiican horyaalka Premier League.
Carragher ayaa hadalkan ka sheegay Sky Sports kaddib markii Arsenal ay Axaddii 1-0 kaga adkaatay Liverpool oo Anfield joogta.
Rice ayaa caawin ka sameeyay goolkii guusha ee Kai Havertz uu dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta.
Carragher ayaa yiri:
“Waa ciyaaryahanka khadka dhexe ee ugu fiican Premier League, isagu wuu ka horreeyaa dadka kale. Xitaa dood kama taagna. Declan Rice ayaa ah khadka dhexe ee ugu fiican dalkan.
“Anigu taageere Arsenal ma ihi, balse mararka qaar waxaan maqlaa dad ka hadlaya Rice, waxaana la yaabaa inaysan fahamsaneyn kubadda cagta, isla markaana aysan daawanayn isla ciyaarta aan anigu arkayo.”