Real Madrid Oo Liverpool U Soo Bandhigtay 3 Xiddig Si Ay U Dhammeystirto Saxiixa Alexis Mac Allister

Real Madrid ayaa la sheegay inay Liverpool u soo bandhigtay saddex ciyaaryahan oo ay ku doonayso inay ku yareyso lacagta ay ku iibsaneyso Xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister.

Liverpool ayaa Mac Allister kala soo wareegtay Brighton bishii June 2023, heshiis ku kacay 35 milyan oo gini, lix bilood kaddib markii uu Argentina kula guuleystay Koobkii Adduunka 2022.

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa kooxda Anfield kula jira heshiis shan sano ah, wuxuuna xilli ciyaareedkiisii labaad kooxda kula guuleystay Premier League.

Si kastaba, Mac Allister iyo dhowr ciyaaryahan oo kale oo Liverpool ah ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaleeceyn kala kulmay hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkooda.

Mac Allister ayaa haatan labo sano oo keliya uga harsan qandaraaskiisa, waxaana dhawaan loo sheegay in Liverpool aysan awoodin inay heshiis cusub u soo bandhigto.

“Waan ka murugooday markii la ii sheegay in kooxdu aysan hadda awoodin inay heshiis cusub ii soo bandhigto. Waxaan kooxdan guuleystay Premier League, waxaana la soo maray waqtiyo adag. Si kastaba, taageerayaashu yaanay welwelin, waxaan boqolkiiba 100 siin doonaa kooxda ilaa maalintayda ugu dambeysa,” ayuu yiri Mac Allister.

Warar kala duwan ayaa sheegaya in ciyaaryahanku mustaqbalkiisa ka arko meel ka baxsan Liverpool, inkastoo kooxda lafteeda ay hadda ka fiirsaneyso inay beddesho go’aankeedii oo ay heshiis cusub u soo bandhigto.

Dhanka kale, wargeyska El Intransigente ayaa sheegay in Real Madrid ay qorsheyneyso inay Mac Allister la soo wareegto sanadka 2027, iyadoo ciyaartoy ku dareysa heshiiskiisa si ay u yareyso lacagta iibkiisa.

Saddexda ciyaaryahan ee la sheegay inay Real Madrid ku dari karto heshiiska ayaa kala ah Brahim Díaz, Trent Alexander-Arnold iyo Eduardo Camavinga.

Si kastaba, qorshahan weli waa mid laga fikirayo, mana jirto dalab rasmi ah oo ay Real Madrid u gudbisay Liverpool.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular