Halyeeyga Newcastle United, Alan Shearer, ayaa saadaaliyay natiijooyinka qaar ka mid ah kulamada Premier League ee la ciyaari doono dhammaadka toddobaadkan.
Waxaa jira laba kulan oo si weyn loo sugayo, iyadoo Chelsea ay garoonkeeda ku soo dhoweyn doonto Manchester United, halka Arsenal ay booqan doonto Liverpool.
Manchester City ayaa sidoo kale markii labaad toddobaadkan wajahaysa Brighton, halka Tottenham ay Crystal Palace la ciyaari doonto derbi London ah.
Shearer oo saadaashiisa la wadaagay Betfair ayaa bixiyay natiijooyinka uu ka filayo kulamadaas.
Saadaasha Alan Shearer:
Chelsea vs Manchester United: Chelsea ayaa badineysa.
Manchester City vs Brighton: Manchester City ayaa badineysa.
Tottenham vs Crystal Palace: Tottenham ayaa badineysa.
Aston Villa vs Fulham: Aston Villa ayaa badineysa.
Liverpool vs Arsenal: Barbaro.