“Lama Eryi Karo Isaga” :- Youri Tielemans Oo Farriin Cad U Diray Maamulka Manchester United

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United, Youri Tielemans, ayaa farriin adag u diray maamulka kooxda, xilli uu sii kordhayo shakiga laga qabo mustaqbalka tababare Michael Carrick.

United ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay qaab liita, waxaana cadaadiska Carrick sii kordhiyay natiijooyin niyad-jab leh, oo ay ku jiraan guuldarrooyin xiriir ah oo min saddex gool lagu kala badiyay.

Si kastaba, Tielemans ayaa caddeeyay in ciyaartoyda kooxdu ay doonayaan in Carrick uu sii ahaado tababaraha.

“Qayb ahaan isaga ayaan u imid kooxda, sababtoo ah wuxuu doonayay inaan halkan imaado oo aan kooxda caawiyo. Aad ayaan ugu faraxsanahay inuu sii joogo, kooxda oo dhanna ma doonayso isbeddel degdeg ah,” ayuu Tielemans u sheegay TNT Sports.

Wuxuu intaas ku daray in waxa ugu muhiimsan ay tahay xasillooni iyo in ciyaartoydu sii wadaan shaqada adag, isagoo aaminsan in xaaladdu mar uun isbeddeli doonto.

Tielemans ayaa sidoo kale sheegay in Carrick uu weli taageero ka haysto qolka labiska, isla markaana uu isku dayay inuu kooxda u sameeyo nidaam ay ciyaartoydu ku qanacsan yihiin.

Xiddiga reer Belgium ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka isa soo taraya ee u dhexeeya ciyaartoyda United iyo madaxda kooxda, kaddib dhaleeceyntii Lisandro Martínez ee agaasimaha farsamada Jason Wilcox iyo hadalladii Bruno Fernandes ee ku saabsanaa qaab ciyaareedka kooxda.

“Dhammaanteen waxaan rabnaa inaan guuleysanno. Marka niyad-jabku bato, waxaa dhici karta in la kala aragti duwanaado, taasina waa wax caadi ah. In ay arrimahaa kooxda dhexdeeda ku ekaadaan, waa waxa ugu wanaagsan,” ayuu yiri.

Wuxuu ku adkeystay in mas’uuliyadda aysan saarneyn tababaraha oo keliya, balse ciyaartoyduna ay waajib ku tahay inay shaqadooda gutaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular