Halyeeyadii Liverpool iyo Arsenal, Jamie Carragher iyo Ian Wright, ayaa saadaaliyay natiijada kulanka adag ee labada kooxood ku dhex mari doona Premier League Axadda.
Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku soo dhaweyn doonta Arsenal, iyadoo labada kooxood ay kulanka ku imaanayaan xaalado kala duwan.
Arsenal ayaa tartanka Carabao Cup ka hartay kaddib guuldarro ay kala kulantay Fleetwood Town, halka Liverpool ay Chelsea ka reebtay tartanka.
Markii la weydiiyay saadaashiisa kulanka, Carragher ayaa barnaamijka The Overlap ka sheegay inuu filayo in Liverpool ay 2-1 ku badin doonto.
Dhanka kale, Ian Wright ayaa saadaaliyay in Arsenal ay isla natiijadaas ku badin doonto.
“Waxaan u maleynayaa inaan garaaci doonno. Kulankani wuxuu qeexi doonaa halka ay Liverpool ka joogto dib u soo kabashadeeda. Runtii waxaan aaminsanahay in Arsenal ku badin doonto, 2-1” ayuu yiri Wright.
Sidaas darteed, labada halyeey ayaa isku raacay in kulanku ku dhammaan doono 2-1, balse waxay ku kala aragti duwan yihiin kooxda guuleysan doonta.