Peter Schmeichel Oo Ugu Dambeyn Kashifay Cidda Ka Dambeysa Burburka Iyo Hoos U Dhaca Manchester United

Halyeeyga Manchester United, Peter Schmeichel, ayaa su’aal geliyay sababta Jason Wilcox loogu magacaabay agaasimaha kubadda cagta ee kooxda, isagoo xusay inuu hore ugu ciyaari jiray Leeds United oo ay xafiiltamaan.

United ayaa ku jirta xaalad adag, iyadoo Michael Carrick cadaadis xooggan wajahayo kaddib siddeed kulan oo xiriir ah oo aanay guuleysan. Guuldarradii 3-0 ahayd ee Bournemouth ayaa dhalisay warar sheegaya in tababaraha la ceyrin doono, balse kooxda ayaa siisay waqti dheeraad ah.

Schmeichel ayaa barnaamijka The Overlap Daily ka sheegay in dad hore u muujiyay nacaybka ay u qabaan United ay hadda ka shaqeeyaan go’aamada kooxda.

“Waxaan guntiga ku heysannaa dad xilliyadii ay ciyaarayeen si cad u sheegay inay neceb yihiin Manchester United, isla markaana u ciyaaray kooxo ay col yihiin,” ayuu yiri.

Markii la weydiiyay inuu Wilcox ula jeedo, Schmeichel wuxuu ku jawaabay: “Waa mid ka mid ah. Ma fahmayo sababta uu halkaas u joogo. Markii uu Leeds u ciyaarayay, waxaa la filayay inuu United neceb yahay, wuuna necbaa.”

Dhanka kale, Paul Scholes ayaa sidoo kale dhaleeceeyay maamulka kooxda, gaar ahaan qoyska Glazer iyo shirkadda INEOS.

Scholes wuxuu sheegay in magacaabistii Wilcox ee agaasimaha kubadda cagta ay ahayd go’aan la isweydiin karo, maadaama uusan hore u qaban xil la mid ah kan Manchester United.

Wuxuu sidoo kale dhaliilay sida kooxda u maareysay tababarayaashii Erik ten Hag iyo Ruben Amorim, isagoo sheegay in isbeddellada tababarayaashu ay keeneen baahi loo qabo in marar badan dib loo dhiso kooxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular