Manchester City ayaa la filayaa inay wajahdo ganaax dhibco ah oo u dhexeeya 40 ilaa 50, haddii go’aanka lagu helay inay jebisay xeerarka Premier League la dhaqan geliyo.
Guddigii baarayay kiiska ayaa bishii hore City ku helay inay jebisay 114 xeer oo Premier League ah. Kooxda ayaa lagu eedeeyay inay adeegsatay heshiisyo kafaala-qaad oo been-abuur ah si ay dakhligeeda ugu kordhiso ku dhowaad 900 milyan oo gini intii u dhaxaysay 2009 iyo 2018. Muddadaas waxay ku guuleysatay saddex horyaal oo Premier League ah.
City ayaa muddo saddex sano iyo bar ah iska fogeynaysay eedeymaha, iyadoo sheegtay inay hayso caddeymo aan la dafiri karin oo muujinaya inaysan wax khalad ah samayn.
Si kastaba, warbixin ay baahisay Football Insider ayaa sheegaysa in ganaax hal xilli ciyaareed ah oo u dhexeeya 40 iyo 50 dhibcood uu sii noqonayo mid suuragal ah. Kooxda ayaa sidoo kale la filayaa in lagu soo rogo ganaax suuqa kala iibsiga ah oo muddo dheer soconaya iyo lacag ganaax ah oo aad u badan.
Ciqaabaha kale ee suuragalka ah waxaa ka mid ah in laga jaro koobab, laga saaro horyaalka ama ganaax lacageed.
Manchester City ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay isticmaasho dhammaan waddooyinka sharciyeed si ay uga hortagto ciqaabta. Waxay racfaan ka qaadan kartaa go’aanka, waxaana intaas dheer inay kiiska u gudbin karto Maxkamad Sare haddii ay u aragto in habraaca loo maray uu khaldan yahay.
Khubarada kubadda cagta ayaa aaminsan in City ay diyaar u tahay dagaal sharciyeed dheer oo qaali ku noqon kara labada dhinac.
Haddii lagu ganaaxo 50 dhibcood, waxay noqon doontaa ganaaxii ugu weynaa ee abid laga fuliyo kubadda cagta Ingiriiska. Ganaaxii ugu weynaa ee hore loo diiwaangeliyay wuxuu ahaa 30 dhibcood oo Luton Town laga jaray xilli ciyaareedkii 2008/09.