Taageerayaasha Liverpool Oo Dalbaday In Xiddigan Uu Ku Soo Bilowdo Kulanka Arsenal Kadib Bandhiggii Guushii Chelsea

Taageerayaasha Liverpool ayaa tababare Andoni Iraola ka dalbaday in Trey Nyoni uu ku soo bilaabo kulanka adag ee ay Axadda Anfield kula ciyaarayaan Arsenal, kaddib bandhiggiisii wacnaa ee kulankii Chelsea ee Carabao Cup.

Liverpool ayaa Arbacadii xaqiijisay booskeeda wareegga siddeedda kooxood ee ugu dambeeya, kaddib markii ay Chelsea kaga adkaatay rigooreyaal. Morgan Rogers ayaa Chelsea hoggaanka u dhiibay qeybtii hore, balse Cody Gakpo ayaa rigooro ku barbareeyay ciyaarta.

Nyoni ayaa si weyn uga dhex muuqday ciyaartoyda Liverpool. Qeybtii hore, waxa uu sameeyay 58 taabasho oo kubadda ah, wuxuuna dhammaystiray 41 baas, waana tirooyinkii ugu badnaa ee ciyaaryahan kasta ee labadaas dhinac.

Taageerayaal badan ayaa ku dooday in ciyaaryahanka da’da yar uu mudan yahay inuu ku soo bilowdo kulanka Arsenal. Mid ka mid ah ayaa yiri: “Nyoni mar kale ayuu ahaa ciyaaryahankeenna ugu fiicnaa. Waa inuu kulanka Arsenal ku soo billowdaa.”

Taageere kale ayaa ku tilmaamay hibbo heer sare ah oo mustaqbalka muhiim u noqon karta khadka dhexe ee Liverpool.

Liverpool ayaa Axadda la ciyaari doonta Arsenal, iyadoo guushu ka caawin karto inay u soo dhowaato kooxda difaacanaysa horyaalka.

Nyoni ayaa sidoo kale fursad u leh inuu ku soo bilowdo kulanka Bournemouth ee wareegga xiga ee Carabao Cup, kaasoo la qorsheeyay toddobaadka bilaabanaya 14-ka Diseembar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular