“Ma Ahan Wax La Daawan Karo”:- Obi Mikel Oo Kabaha La Dul-maray Ciyaartoyda Manchester United

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Chelsea, John Obi Mikel, ayaa si adag u dhaliilay ciyaartoyda Manchester United, isagoo sheegay inaysan koox ahaan lahayn tayada looga baahan yahay inay ugu tartamaan heerka ugu sarreeya.

Obi Mikel ayaa hadalkan jeediyay kadib guuldarradii 3-0 ahayd ee Manchester United kasoo gaartay Bournemouth kulankii Premier League ee Axaddii.

Ciyaaryahankii hore ee xulka Nigeria ayaa sheegay in qaab ciyaareedka kooxda uu yahay mid niyad-jab leh, isagoo dhaliishiisa ku daray bandhigyadooda tartamada kala duwan, oo ay ku jirto UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

Isagoo ka hadlayay barnaamijkiisa Obi One Podcast, ayuu yiri:

“Marka la isku daro, ciyaartoydan Manchester United kuma filna inay noqdaan koox heer sare ah.

“Daawashadoodu waxay ahayd wax laga naxo. Runtii aad ayay u liiteen. Waxay ahayd musiibo.”

Dhaliisha Obi Mikel ayaa kusoo beegmaysa xilli cadaadis uu saaran yahay tababare Michael Carrick, kadib natiijooyinkii liitay ee kooxda.

Manchester United ayaa kulankeeda xiga ee Premier League la ciyaari doonta Chelsea, iyadoo Sabtida booqan doonta garoonka Stamford Bridge.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular