Halyeeyga Manchester United, Paul Scholes, ayaa magacaabay kabtanka kooxda Bruno Fernandes iyo daafaca Lisandro Martínez, isagoo sheegay inay yihiin labada ciyaaryahan ee uu iibin lahaa.
Scholes ayaa aaminsan in labada xiddig ay xadgudub ku kaceen kadib hadallo ay dhowaan ka jeediyeen tababare Michael Carrick iyo maamulka kooxda.
Martínez ayaa dhaliil u jeediyay hoggaanka Manchester United kadib guuldarradii kooxda kasoo gaartay Atlético Madrid ee Champions League. Dhanka kale, Fernandes ayaa su’aal geliyay xeeladaha Carrick kadib markii United ay guuldarro kala kulantay Como tartankaas.
Markii barnaamijka The Good, The Bad & The Football lagu weydiiyay inta ciyaaryahan ee uu ka iibin lahaa kooxda hadda, Scholes wuxuu si gaar ah u xusay Fernandes iyo Martínez.
“Waxa Bruno Fernandes sameeyay toddobaadkii hore, waxaan u arkaa wax aan la cafin karin. Sidaas darteed, Bruno waa mid kamid ah ciyaartoydaan kooxda ka diri lahaa” ayuu yiri Scholes.
“Martínez-na sidoo kale, sababtoo ah waxa uu ka hadlay wax aan shaqadiisa ahayn” ayuu raaciyay.
Fernandes ayaa Manchester United kaga soo biiray Sporting CP sannadkii 2020, halka Martínez uu Ajax uga yimid kooxda sannadkii 2022. Labadooduba waxay door muhiim ah ku lahaayeen kooxda, balse hadalladoodii ugu dambeeyay ayaa dhaliyay dood ku saabsan xiriirkooda maamulka.