Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa maxkamad la soo taagay isaga oo lagu eedeeyay inuu lunsaday canshuur dhan €1 milyan intii u dhaxaysay sannadihii 2014 iyo 2015. Xeer ilaalintu waxay dalbaneysaa in lagu xukumo xabsi gaaraya afar sano iyo sagaal bilood, iyo ganaax lacageed oo dhan €3.2 milyan.
Difaaca Ancelotti
Intii uu hor taagnaa maxkamadda, Ancelotti wuxuu ku adkeystay inuusan wax khiyaano ah sameynin. Wuxuu sharaxay in marka uu yimid Real Madrid uu si shaqsi ah ula xaajooday heshiiskiisa, sida uu mar walba u sameyn jiray muddadii uu ciyaaryahanka iyo tababaraha ahaa.
Wuxuu sheegay inuu PSG ka qaadan jiray 5% mushahar saafi ah, halka uu Real Madrid kula heshiiyeen 6% mushahar saafi ah oo muddo saddex sano ah. Ancelotti wuxuu xusay in uu heshiisyadiisa mar walba si toos ah u sameeyo, uuna ganacsigiisa ku saleeyo mushahar saafi ah, isagoo diiday inuu yahay la-taliye.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Real Madrid ay usoo bandhigtay qaab dhismeed uu 15% heshiiskiisa ka mid ah u go’ayo xuquuqda sawirrada (image rights).
Xeer Ilaalinta Oo Eedeyn Culus Soo Jeedisay
Dacwad oogayaashu waxay ku eedeeyeen Ancelotti inuu adeegsaday shirkado been abuur ah si uu u qariyo dakhliga uu ka helay xuquuqda sawirradiisa. Waxay sheegeen inuu kaliya diiwaangeliyay mushaharkiisa rasmiga ah ee Real Madrid, balse uusan sheegin dakhliga kale ee uu ka helay xuquuqda sawirrada.
Dacwaddan ayaa Ancelotti ka dhigaysa shaqsigii ugu dambeeyay ee la xiriira kubadda cagta oo Spain lagu eedeeyo lunsasho canshuur, kaddib kiisaskii la xiriiray Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, kuwaas oo markii dambe xal ka gaaray dacwadahooda iyagoo bixiyay ganaaxyo lacageed.
Maxaa Xiga?
Dacwadda ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda, waxaana weli suuragal ah in xal laga gaaro arrintan si looga fogaado xukun adag oo maxkamaddu rido.