Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa qiray in Alejandro Garnacho uu “isku dayayo wax badan” kadib bandhiggiisii niyadjabka lahaa ee guuldarradii ay kala kulmeen Nottingham Forest.
United ayaa 24 jeer toogatay goolka ciyaartii ka dhacday City Ground, balse ma aysan dhibaateynin goolhayaha Forest, Mats Sels, iyagoo la kulmay guuldarradoodii 13-aad ee Premier League xilli ciyaareedkan.
Garnacho ayaa sameeyay isku dayo gool in ka badan ciyaaryahan kasta oo garoonka jooga – isagoo 6 jeer kubadda laaday, 3 ka mid ah waxay ahayd wax goolka ka baxsan, halka 3 kalena ay difaacyada Forest xannibeen.
Xiddiga 20 jirka ah ayaa sidoo kale dhibaato kala kulmay kubbadaha rogrogashada, halka Anthony Elanga – oo ay United iska iibisay 2023 – uu noqday geesiga kulanka, kadib markii uu goolka kaliya ee ciyaarta dhaliyay, isagoo si shaqsi ah u soo orday una gooyay saddex ciyaaryahan ka hor inta uusan ka adkaan Andre Onana.
Garnacho, oo ay Chelsea iyo Napoli xiiseynayeen bishii Janaayo, ayaa habeen xun ku qaatay kulanka Forest, iyadoo guuldarradu ay United ku reebtay kaalinta 13-aad.
Ka dib ciyaarta, Amorim ayaa difaacay xiddigiisa da’da yar inkastoo kooxda oo dhan ay si liidata u weerartameysay.
Inkasta oo uu ku amaanay sida uu u dadaalay difaac ahaan, wuxuu qiray in Garnacho uu si joogto ah uga il-duufay orodka Patrick Dorgu, taasoo keentay in uu sameeyo xulashooyin khaldan.
“Wuu dedaalay laakiin sidaan rabay muu noqon,” ayuu yiri Amorim. “Mararka qaar waxaad leedahay maalin aad si sax ah wax u sameyneyso, balse qaybta hore ee garoonka ma aanan fiicneyn – taasina way dhacdaa.”
Markii la weydiiyay haddii Garnacho uu si xad-dhaaf ah uu gool inuu dhaliyo u doonayay, Amorim wuxuu ku jawaabay: “Waxay ka mid tahay ciyaarta. Waxyaabaha ugu muhiimsan waa in marka uu dib u ordayo, uu ordayo. Dabcan, waxaan dooneynaa ciyaaryahan hal-ila-hal-ka jiiri kara, mararka qaar wuu isku dayayaa wax badan, wuxuuna heystaa Dorgu oo orod fiican, balse waxaan qabaa inuu doonayo inuu caawiyo kooxda.”
“Mararka qaar ma sameeyo xulashooyinkii ugu fiicnaa, balse aad baa loo eedi karaa ciyaaryahan kasta caawa.”