Kylian Mbappe ayaa si toos ah loogu dhaleeceeyay inuu keenay “tamar qaldan” kaddib markii uu iibsaday kooxda Caen isagoo adeegsanaya kooxdiisa maalgelinta.
Xiddiga Real Madrid iyo xulka France ayaa wajahaya dhaleeceyn culus oo kaga imaaneysa gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda Caen, isagoo lagu eedeeyay inuu door ku leeyahay hoos u dhaca kooxda, taasoo haatan u dhow inay u laabato horyaalka heerka saddexaad ee Faransiiska.
Kooxda uu Mbappe milkiyaddeeda leeyahay ayaa guuldarradii 19-aad ee xilli-ciyaareedkan kala kulantay Paris FC Isniintii, iyadoo haatan 12 dhibcood ka dambeysa kooxda kaalinta 17-aad ku jirta ee Clermont Foot.
Mbappe wuxuu Caen ku iibsaday £12.6m bishii July 2024, sida laga soo xigtay BBC Sport. Waxa uu xitaa ku dhawaaday inuu ku biiro kooxda intii uu da’ yaraa ka hor inta uusan u saxiixin Monaco, balse taageerayaal badan iyo hadda xiddigii ugu goolasha badnaa taariikhda kooxda, Alexandre Mendy, ayaa dhaliilay sida uu Mbappe wax uga beddelay kooxda tan iyo markii uu la wareegay.
Ka dib guuldarradii kooxdu kala kulantay Paris FC, Mendy wuxuu waraysi siiyay beIN Sports, isagoo yiri:
“Waa muuqaal sax ah oo ka tarjumaya xilli-ciyaareedkeena. Anigu waxaan u hadlayaa naftayda, laakiin marka aad bilowdo xilli-ciyaareed tamar khaldan – qof walba wuu ogyahay wixii dhacay xilligii suuqa kala iibsiga ee ciyaartoyda – waa tan natiijadii maanta. Waan dagaallami doonnaa ilaa dhamaadka, laakiin waxa aad beerto ayaad goosaneysaa.”
Caen ayaa hadda wajahaysa xaalad adag, waxaana cadaadis xoogan la saarayaa Mbappe iyo maamulkiisa cusub.