Pep Guardiola ayaa shaaciyay wixii uu u sheegay garsooraha Simon Hooper kadib markii uu si caro leh ula murmay kadib barbarihii Manchester City iyo Brighton.
Tababaraha City ayaa aad uga carooday kadib markii Hooper uu jaale siiyay garabka City Jeremy Doku, isagoo ku eedeeyay inuu khiyaameeyay kadib dhirbaaxo uu kala kulmay Jan Paul van Hecke oo Brighton ka tirsan. Guardiola ayaa xusay in haddii Doku uusan boodi laheyn, in lugtiisa la jabin karay.
Kadib ciyaarta, Guardiola ayaa yiri: “Haddii uusan boodin, waxaa jabi laheyd lugtiisa. Marka aad dhulka tagto waa jab, sidaas darteed wuu booday wuuna ka fogaaday taabashada. Jeremy ma aha ciyaaryahan khiyaano badan. Waa inay ogaadaan, balse waa siduu yahay. Ma aanan guuleysan ama khasaarin sababo la xiriira go’aamadaas. Waxa aan garsooraha u sheegay in haddii uusan boodin si daran ayaa loo dhaawici lahaa. Wuxuu u boodday si uu isu ilaaliyo, balse muhiim ma ahan, ha i weydiin arrintaas.”
Manchester City ayaa barbaro 2-2 ah la gashay Brighton Sabtidii, iyadoo haatan ku jirta kaalinta shanaad ee Premier League, waxayna dagaal ugu jirtaa inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka dambe. Guardiola ayaa qirtay in kooxdiisu cadaadis dareemeyso.
Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Sagaal kulan ayaa noo haray, sagaal final ayey la mid yihiin. Waa sidii la rabay. Waxaan aaminsanahay inay ilaa dhamaadka tagi doonto. Waqtiyo ayaa jira oo aan shakiyo qabo, balse mar walba waxaan isku dayaa inaan helo waddadii saxda ahayd. Waxaad dareemaysaa cadaadiska garoonka dhexdiisa. Waa inaan si ka fiican u ciyaarnaa, taageerayaashuna aad bay u doonayaan guusha. Qof walba wuu dareemayaa.”