Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa xaqiijiyay in Robert Sánchez uu kusoo bilaaban doono kulanka adag ee Premier League ee ay la leeyihiin Arsenal Axadda. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu rajeynayo inuusan wax beddel ah ku sameynin goolhayaha koowaad ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.
Maresca ayaa horay keydka u geliyay Sánchez kadib markii uu qalad sameeyay kulankii ay 3-1 kaga guuldarreysteen Manchester City bishii Janaayo. Kadib, goolhaye Filip Jorgensen ayaa lagu soo bilaabay afartii kulan ee xigay ee Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, Sánchez ayaa dib ugu soo laabtay safka koowaad kulankii ay 1-0 kaga adkaadeen Leicester City usbuucii hore.
” Tan iyo markii aan bilownay xilli-ciyaareedka, qorshuhu wuxuu ahaa in aanan badalin goolhayaheenna, laakiin mararka qaar waa inaad wax ka beddesho fikradahaaga,” ayuu Maresca ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcaha.
“Waxaan sidaas oo kale ku sameynaa qorshaha ciyaarta, sida aan u weerarno, sida aan u difaacano, iyo sidoo kale xulashada ciyaartoyda. Waxaan u maleynayaa in Robert uu u baahnaa waqti yar oo nasasho ah, gaar ahaan dhanka maskaxda.
“Hadda wuu soo laabtay, rajadaydu waxay tahay inaan wax beddel ah sameynin ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka. Waxaan horay u sheegay in aan ku qanacsannahay labadeyda goolhaye.”
Chelsea, oo haatan ku jirta kaalinta afaraad ee Premier League iyagoo leh 49 dhibcood 28 kulan kaddib, ayaa lix dhibcood ka dambeysa Arsenal oo ku jirta kaalinta labaad. Waxay rajeynayaan inay hoos u dhimaan farqiga dhibcaha iyagoo guul ka raadinaya kulanka Axadda.