Kooxda AC Milan ayaa go’aan rasmi ah ka gaartay mustaqbalka João Félix, waxayna qorsheynaysaa inay dib ugu celiso Chelsea marka uu dhammaado heshiiska amaahda ah ee uu ku joogay kooxda xagaagan. Sida laga soo xigtay warbaahinta Talyaaniga ee Gazzetta dello Sport, Milan ma doonayso inay sii haysato laacibkan reer Portugal xilli ciyaareedka soo socda.
João Félix ayaa ku biiray Milan xagaagii hore si uu u xoojiyo weerarka kooxda, balse wuu ku dhibtooday inuu saameyn muuqata ku yeesho horyaalka Serie A. Inkastoo uu helay fursado ciyaareed, haddana ma uusan gaadhin heerkii laga filayay, taasoo keentay in maamulka Milan ay go’aan ka gaaraan mustaqbalkiisa.
Chelsea ayaa hore u siisay João Félix fursado amaah ah tan iyo markii uu kaga soo biiray Atlético Madrid, balse wali ma uusan helin meel uu si joogto ah ugu ciyaaro. Milan waxay hadda dooratay inaysan sii wadin wadashaqeynta laacibkan, taasoo ka dhigan in Chelsea ay markale heli doonto laacibka xagaaga 2025.
Sida laga soo xigtay warbixinta, AC Milan waxay diiradda saari doontaa xoojinta weerarkeeda iyada oo raadineysa ciyaaryahano kale oo tayo sare leh, halkii ay sii wadi lahayd João Félix. Kooxda Rossoneri ayaa dooneysa inay la soo saxiixato weeraryahan cusub oo ku habboon habka ciyaareed ee tababaraha.
Weli lama oga mustaqbalka João Félix marka uu dib ugu laabto Chelsea, maadaama Blues ay horey uga fikiraysay iibintiisa ama u raadinta koox kale oo amaah ku qaadata. Hadda waxaa la sugayaa in Chelsea ay go’aan ka gaarto mustaqbalkiisa xagaaga soo socda.