Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, Ayaa Sheegay In Bartilmaameedkooda Xiga Uu Yahay Inay Gaaraan Semi-finalka UEFA Conference League.
Maresca ayaa hadalkan ka yiri kadib guushii 1-0 ee ay ka gaareen FC Copenhagen kulankii lugta labaad ee wareega 16-ka habeenkii Khamiista.
Kiernan Dewsbury-Hall ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta, taasoo Blues ka caawisay inay u gudbaan wareega siddeed dhammaadka.
Maresca, oo la hadlay TNT Sports, ayaa yiri: “Waa muhiim in la gaaro wareega siddeed dhammaadka. Hadafkeena xigana waa inaan u gudubno semi-finalka. Waxaan u qalannay guushan labadii lugood ee aan ciyaarnay.
“Waxaan wax ka bedelnay qaab-ciyaareedkayaga qeybtii labaad, taasoo naga dhigtay kuwo aad u fiican. Waa in la yeeshaa dulqaad.”
Markii la weydiiyay guusha iyo filashada taageerayaasha ee ku aaddan hanashada koobab, wuxuu ku jawaabay: “Sida saxda ah, Naadigan mar walba wuu hanan jiray koobab waana inaan dadaalkeena ugu fiican sameyno si aan u gaarno yoolkayaga xilli ciyaareedkan.
“Waxaan u baahan-nahay inaan siino taageerayaasha iyo kooxda koob.”