Barcelona ayaa si qaali ah u dabaaldegtay guushii ay ka gaareen Benfica ee Champions League, iyadoo la ogaaday in ay kharash gareeyeen in ka badan €700 burgers.
Kooxda reer Catalonia ayaa si nabdoon ugu gudubtay wareega siddeed dhammaadka tartanka ugu sarreeya Yurub kaddib markii ay ka adkaadeen kooxda reer Portugal wareegii 16-ka. Guul raaxo leh oo ah 4-1 guud ahaan labadii lugood ayaa Blaugrana ka caawisay inay u gudbaan wareega xiga.
Guul 3-1 ah oo ay ku gaareen garoonkooda ayaa dhameystiray shaqada ay Benfica ku reebeen tartanka, iyadoo da’yarka Lamine Yamal uu dhaliyay gool kale oo cajiib ah, halka Raphinha, oo u sharaxan Ballon d’Or 2025, uu labo gool dhaliyay taasoo tirada goolashiisa xilli-ciyaareedkan gaarsiisay 27.
Ciyaartoyda Barcelona ayaa loo ogolaaday inay nasadaan kaddib guusha ay ka gaareen Benfica, iyadoo Catalunya Radio ay shaacisay in naadiga “nafaqeeyahooda u ogolaado ciyaartoyda inay cunaan wixii ay rabaan kaddib kulamada.”
Lama sheegin waxa ay dalbadeen cunto ahaan kaddib guushii ay ka gaareen Benfica, laakiin waxaa la sheegay in “markii ay ku ciyaareen Lisbon, ay dalbadeen burgers qiimahooda gaadhaya €700.” Barcelona waxay ciyaartaas 1-0 ku guuleysteen, goolkaasna waxaa dhaliyay xiddiga reer Brazil Raphinha.
Kooxdu waxay heshay lix maalmood oo fasax ah kaddib kulankaas, taasoo u saamaxday inay waxoogaa raaxaystaan. Si kastaba ha ahaatee, kooxda uu hoggaamiyo Hansi Flick waa inay dib ugu soo laabtaan qaab ciyaareedkooda ugu sarreeya, maadaama Axadda ay la ciyaari doonaan Atletico Madrid, kulan muhiim ah oo La Liga ah, ka hor inta aysan galin fasaxa xulalka caalamiga ah.