Halyeeyga Arsenal Thierry Henry ayaa shaaca ka qaaday sababta uu u rumeysan yahay in Raphinha uu yahay musharraxa ugu cadcad ee ku guuleysan kara Ballon d’Or sanadkan, isaga oo ka horreeya Mohamed Salah iyo Harry Kane.
Xiddiga reer Brazil ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli-ciyaareedkan 2024-25, waxaana Talaadadii uu labo gool dhaliyay kulankii ay Barcelona 3-1 kaga adkaatay Benfica lugtii labaad ee wareega 16-ka Champions League.
Dhinaca kale, Bayern Munich ayaa sidoo kale u gudubtay siddeed dhammaadka kadib markii ay 5-0 cel-celis ahaan uga adkaadeen Bayer Leverkusen, halkaas oo Kane uu gool iyo caawin ku lahaa kulankii lugta labaad.
Iyadoo Kane iyo Raphinha ay bandhig fiican sameeyeen, Salah wuxuu dhankiisa ku dhibtooday garoonka, isagoo aan wax saamayn ah ku yeelan guuldarradii Liverpool ee rigoorooyinka kaga soo gaartay PSG (4-1). Kadib ciyaarihii Yurub ee Talaadadii, Raphinha ayaa si tartiib tartiib ah ugu soo dhawaanaya Kane iyo Salah marka la eego wadarta goolasha tartamada oo dhan. Halka Kane iyo Salah ay min 32 gool dhaliyeen, Raphinha ayaa haatan leh 27 gool, oo ay ku jiraan 11 uu ka dhaliyay Champions League—taasoo ah tiradii ugu badnayd ee abid uu dhaliyo xiddig reer Brazil hal xilli ciyaareed katirsan tartanka Yurub.
Thierry Henry, oo falanqeeyay xilli-ciyaareedka cajiibka ah ee Raphinha, ayaa sheegay in xiddiga Barcelona uu hadda yahay kan ugu cadcad ku guuleysiga Ballon d’Or, isagoo uga horreeya Kane iyo Salah sababtoo ah inuusan qaadan rigooreyaal badan. Isagoo la hadlayay CBS Sports, Henry wuxuu yiri: “Raphinha ayaa haatan uga horreeya, sababtoo ah waxa uu ka sameynayo Champions League. Waxa uu haystaa 11 gool tartanka. Salah waa musharrax, Kane waa musharrax, Dembele sidoo kale wuu tartamayaa. Waxa ay ku xiran tahay heerka aad ka gaarto Champions League, marka lagu daro guusha horyaalkaaga. Raphinha wuxuu leeyahay goolal badan, isaga oon rigooreyaal aan dhalinin.”
Henry wuxuu sii raaciyay: “Ma oranayo in Kane iyo Salah aysan qaadan karin rigoorooyin. Salah waxa uu xilli-ciyaareed cajiib ah ka samaynayaa Premier League. Laakiin haddii ciyaaryahan goolashaada oo kale leeyahay isaga oo aan rigooro badan tuurin, waa inaad si gaar ah uga hadashaa. Marka laga hadlayo weeraryahannada dhameystiran, waa inaad ogaataa sida cadaadis loo saaro difaacyada, sida loo difaaco, iyo sida loo caawiyo daafacyadaada garbaha. Raphinha wuxuu leeyahay dhamaan astaamahaas.”
Isbarbar dhigga rigoorooyinka, Raphinha wuxuu dhaliyay hal gool oo rigooro ah, halka Kane uu 12 rigooro dhaliyay tartamada oo dhan, Salahna uu 9 gool oo rigoore ah ka dhaliyay Premier League. Haddii Barcelona ay ku guuleysato Champions League xilli-ciyaareedkan, Raphinha wuxuu noqon doonaa musharrax weyn oo u taagan abaal-marinta dahabka ah ee Ballon d’Or.