Halyeeyga Liverpool, McManaman,ayaa Xushay Xiddig Ka Tirsan LaLiga Inuu Ku Guuleysanayo Abaalmarinta.
Halyeeyga Liverpool, Steve McManaman, ayaa doortay xiddiga Barcelona, Raphinha, inuu ku guuleysan dono Ballon d’Or 2025.
Sida uu sheegay laacibkii hore ee Real Madrid, xiddiga Barcelona waa musharrax dhab ah oo u tartamaya abaalmarinta Ballon d’Or ee 2025.
Raphinha ayaa wali tartanka ugu jira hanashada Champions League xilli ciyaareedkan, kaddib markii Barcelona ay wareega 16-ka kaga soo baxday Benfica Talaadadii.
Waxaa jira aaminsanaan guud oo sheegaysa in Raphinha uu abaalmarintan ku guuleysan karo haddii uu kooxdiisa ku hogaamiyo hanashada UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.
Raphinha wuxuu dhaliyay 27 gool wuxuuna caawiye ka noqday 19 gool 41 kulan oo uu ka ciyaaray tartamada oo dhan.
Xiddiga reer Brazil wuxuu gacan ka geystay in Barcelona ay hoggaanka u hayso LaLiga, ay gaarto semi-final-ka Copa del Rey, iyo siddeed dhammaadka Champions League.
McManaman oo la hadlayay TNT Sports, oo da’diisu tahay 53 jir, ayaa yiri:
“Maadaama uu yahay garab, waa in laga hadlo. Waxaan ka hadalnaa Mo Salah, laakiin ninkaan waa in sidoo kale lagu daro wadahadalka.”
McManaman ayaa sidoo kale magac dhabay musharrixiin kale, isagoo sheegay in Champions League uu door weyn ka ciyaari doono tartanka Ballon d’Or.
Wuxuu raaciyay:
“Sidoo kale Robert Lewandowski, sidoo kale Harry Kane, wax walba waxay ku xirnaan doonaan cidda hanata Champions League.
Waqti xaadirkan dhammaantood way istaahillaan… Waa in la xuso dhammaan. Qofkii ku guuleysta Champions League ayaa noqon doona kan ugu cadcad Ballon d’Or.”
Raphinha wuxuu rajeynayaa inuu kusii jiro qaab ciyaareed fiican marka Barcelona ay la ciyaareyso Atletico Madrid kulan muhiim ah oo dhici doona March 16.