Kadib dhamaadka kulamadii todobaadka 29-aad ee horyaalka Premier League, waxaa la shaaciyay shaxda ugu wanaagsan ee todobaadka, xilli tartanka horyaalku marayo meel xasaasi ah.
Kooxda hoggaanka horyaalka heysa ee Liverpool ayaa sii dheeraysatay hoggaankooda, kaddib guul ay ka gaareen kooxda Southampton. Dhinaca kale, Arsenal ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay Manchester United ciyaar ka dhacday Old Trafford.
Manchester City ayaa guuldarro lama filaan ah la kulantay, kaddib markii ay 2-1 kaga soo badisay Nottingham Forest, halka Chelsea ay guul ka gaartay kooxda Leicester City.
Kadib kulamadan, shaxda ugu fiican todobaadka ayaa la shaaciyay, iyadoo xiddigaha ugu badan ay ka socdaan Crystal Palace, Aston Villa iyo Nottingham Forest, kuwaas oo min laba ciyaaryahan ku leh liiska.
Kooxaha Arsenal, Bournemouth, Manchester United, Liverpool iyo Newcastle ayaa iyaguna shaxda ku leh min hal xiddig.
Waxaa la filayaa in tartanka horyaalka sii adkaado toddobaadyada soo socda, iyadoo kooxaha waaweyn ay dadaal ugu jiraan hanashada horyaalka ama xaqiijinta boosaskooda sare.