Weeraryahanka Real Madrid, Rodrygo, ayaa si furan uga hadlay xiriirka uu la leeyahay saaxiibkiisa kooxda, Luka Modric.
Rodrygo wuxuu sheegay in khabiirka reer Croatia uu caawiyo maalin walba, isla markaana uu door muhiim ah ka qaatay guulihiisa tan iyo markii uu yimid Madrid.
Sida uu sheegay xiddiga reer Brazil, isaga iyo Modric mararka qaar waxay isugu yeeraan “wiil iyo aabbe”, taasoo muujineysa xiriirka dhow ee ka dhexeeya.
Isagoo ka hadlaya Modric, Rodrygo wuxuu yiri:
“Mar walba waxaan lahayn xiriir aad u wanaagsan, waxana qosol leh inuu la mid yahay da’da aabbahay, sidaas darteed, wuxuu iigu yeeraa inaan ahay wiilkiisa, aniguna waxaan ugu yeeraa aabbe.”
“Xiriir wanaagsan ayaan leenahay, waxaana ahay taageere weyn oo Modric, ciyaaryahan ahaan iyo qof ahaan.”
“Wuxuu iga caawiyaa maalin walba inaan hagaajiyo ciyaarteyda. Waxay ahayd markaan la ciyaaraynay Chelsea kulan katirsan Champions League, wuxuuna igu yiri markaan kubadda helo, isku day inaad weerarto booska bannaan, maxaa yeelay fursad ayaan heli karaa.”
“Modric mar walba wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii aan jeclaa, waxaan mar walba ku riyoon jiray inaan la ciyaaro.”
Rodrygo ayaa xilli ciyaareedkan u dhaliyay Real Madrid 13 gool wuxuuna caawiye ka noqday 8 gool 39 kulan oo uu u saftay Real Madrid.
Xiddigan da’da yar ee 18-jirka ah wuxuu Real Madrid kaga soo biiray kooxda Santos bishii July 2019.