Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada ku aaddan xiddigeeda khadka dhexe, Eduardo Camavinga, xagaaga soo socda. Sida laga soo xigtay warbaahinta Fichajes.net, Los Blancos ayaa dul dhigtay qiimo gaaraya €70 milyan oo euro ah ciyaaryahankan da’da yar ee reer France.
Camavinga, oo 22 jir ah, ayaa si joogto ah uga mid ahaa safka koowaad ee Madrid tan iyo markii uu kaga soo biiray Rennes sanadkii 2021-kii. Inkastoo uu qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay, kooxda ayaa hadda u muuqata mid diyaar u ah inay ka faa’iideysato iibkiisa si ay ugu maalgeliso saxiixyo cusub.
Kooxo badan oo waa weyn oo Yurub ah ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda Camavinga, gaar ahaan kuwa ka ciyaara Premier League. Haddii uu bixitaan ogolaado, waxaa la filayaa in tartan xooggan uu ka dhasho saxiixiisa.
Waxaa la sugayaa haddii kooxaha doonaya ay aqbali doonaan qiimaha ay Real Madrid ku xirtay Camavinga ama haddii ay jiri doonaan wadaxaajoodyo dheeri ah oo lagu dhimi karo. Xaaladda ayaa la filayaa inay sii kululaato bilaha soo socda marka uu suuqa kala iibsigu furmo.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka Camavinga.sababta ugu weyn ee loo iibinayo xiddiga ayaa la aaminsan yahay iney tahay in kooxdu dooneyso iney qarash u hesho suuqa xagaaga.