Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay inuu ku soo laaban doono Liverpool maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka Premier League, kadib markii uu casuumaad ka helay badalkiisa, Arne Slot.
Klopp ayaan dib ugu soo laaban Anfield tan iyo markii uu ka tagay dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Tababaraha reer Germany ayaa qirtay inuusan xiiseyneyn inuu ku laabto Liverpool si uusan saameyn xun ugu yeelan rajada Reds ee ku guuleysiga horyaalka Premier League.
Reds ayaa dhaaftay dhammaan rajadii laga qabay xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Slot uu joogo Ingiriiska.
Liverpool ayaa hadda 13 dhibcood ka sarreysa Arsenal oo ku jirta kaalinta labaad, waxayna u muuqdaan kuwo ku guuleysanaya horyaalka.
“Haa, qorshuhu waa [inaan tago Liverpool] laakiin ma aha inaan raaco baska kooxda, waxaan la jiri doonaa dadka wadada uga hambalyeynaya ayaga,” Klopp ayaa sidaas yiri intii lagu guda jiray munaasabad dhaqaale ururin ah oo ka dhacday Cape Town toddobaadkan.
“Taasi waa fikraddeyda run ahaantii, laakiin waa la arki doonaa. Waxaan filayaa inaan joogo ciyaarta ugu dambeysa.
“Ma doonayn inaan horay u imaado dhabtii, sababtoo ah ma doonayn inaan ku Noqdo Nuqsi ayaan daran. Haddii aan noqdo mid jooga garoonka markii ugu horreysay oo ay guuldarreystaan, ‘waa wax xun’. Marka waxaan halkaas aadayaa marka wax walba go’aan laga gaaro.”